Ujeedooyinka Loo aasaasay Ururka SOYPA
Dhisidda bulsho mideysan oo ku shaqeysa qiyamka Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliga, si loo abuuro kalsooni iyo wadajir bulshada dhexdeeda ah.
12/21/20251 min read


Furitaanka fursado dhab ah oo dhallinyarada u oggolaanaya inay kaalin muuqata ka qaataan siyaasadda, maamulka iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka.
Dhisidda hay’ado dowladeed oo hufan, la xisaabtama shacabka, kana shaqeeya horumar dhab ah oo si siman u taabanaya muwaadin kasta.
Hubinta in qof walba uu u siman yahay sharciga madax iyo mijo-ba, iyo in hay’adaha garsoorku noqdaan kuwo madax-bannaan oo cadaalad ku shaqeeya.
Dhisidda nidaam siyaasadeed oo aqoonsan awoodda iyo codka dhallinyarada, kuna daraya hannaanka hoggaamineed iyo siyaasadda heer qaran iyo heer gobol.
Ka hortagga kala-qaybsanaanta, xoojinta wadajirka bulshada, iyo dhisidda qaran isku duuban oo si wadajir ah uga gudba caqabadaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed intaba. Kobcinta isla xisaabtanka, daahfurnaanta iyo nidaam maamul oo lagu ciribtiraayo musuqmaasuqa, laguna ilaaliyo hantida qaranka.
In muwaadinka Soomaaliyeed helo adeegyo cadaalad ah oo ay ka mid yihiin waxbarasho tayo leh, daryeel caafimaad oo lagu kalsoonaan karo, adeegyo dowladeed oo hufan, iyo fursado shaqo oo si siman loo wada helo si loo xaqiijiyo bulsho sinaan iyo horumar ku dhisan.. In Soomaaliya ka faa’iideysato aqoonta, teknoolojiyadda, dhaqaalaha iyo iskaashiga caalamiga ah si loo gaaro koboc dhaqaale oo waara.
In dowladdu noqoto mid u adeegta shacabka, ilaalisa amniga, sharafta, xorriyadda iyo hantida muwaadin kasta, kana hortagta ku takri-falka awoodda.
