Ururka SOYPA

Dhismaha iyo abuurida dawladdnimo casri ah oo ku dhisan sarraynta sharciga, isla xisaabtanka iyo hoggaan ka hufan eex iyo qabyaalad, kuna shaqeysa cadaaladda bulshada, sinnaanta siyaasadeed iyo horumarka dhaqaale, si loo dhiso Soomaali mideysan oo amnigeeda, adeeggeeda iyo xuquuqda muwaadiniinteedu ay ilaaliyaan hay’ado awood leh. Ururku wuxuu hiigsanayaa in dalladda dhallinyarada Soomaaliyeed ay noqdaan laf-dhabarta hoggaanka siyaasadda, dib-u-dhiska hay’adaha, hal-abuurka horumarinta dalka iyo ilaalinta qiyamka qarannimada.

Hiigsiga Ururka
Mudnaanta Dhallinyarada

Ku dhawaad 85% dadka Soomaaliyeed waa dhallinyaro, kuwaas oo badankoodu aan helin mudnaantii ay lahaayeen. Ururka SOYPA waa ahmiyad siiyaha ugu weyn ee dhallinyarada oo ah xooga horumarka maanta iyo mustaqbalka berri ee dalka.

Mabaadii’da ururka.

1. Islaannimo iyo Soomaalinnimo

2. Dhallinyaro Hormuud u ah isbedelka iyo Dimquraadiyadda

3. Qarannimo ku saleysan isla Xisaabtan iyo Horumar

4. Sarraynta sharciga

5. Ka qeybgalka dhallinyarada ee siyaasadda iyo go,aamada masiiriga ah ee dalka

6. Midnimo qaran iyo isku duubni

7. La dagaallanka musuqmaasuqa

8. Caddaalada bulshada

9. Qaran furan oo la jaanqaadaya dunida.

10. Ilaalinta xuquuqda muwaaddinka

Maxaan u taaganahay?

Ururka SOYPA wuxuu rumeysan yahay dhisidda dowlad casri ah oo ay hormuud ka yihiin xoog weynta dhallinyarada Soomaaliyeed, kuna saleysan sarraynta sharciga, isla xisaabtanka iyo horumarka dalka, islamarkaana ka shaqeeya cadaaladda bulshada, sugidda amniga, la dagaalanka musuqmaasuqa, xoojinta midnimada ummadda, iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

woman wearing yellow long-sleeved dress under white clouds and blue sky during daytime

Awoodda koowaad ee dalku waa dhallinyarada.

SOYPA

Waa waqtigii dhallinyarada Soomaaliyeed ay qaadan lahaayeen doorkooda.

★★★★★
★★★★★
woman wearing yellow long-sleeved dress under white clouds and blue sky during daytime