Mabaadii’da Guud ee Ururka SOYPA oo Faahfaahsan
Ururka SOYPA Waxaa Asaas u ah oo uu ku dhisanyahay Mabaadii’da Guud oo ay degsadeen Dhalinyaradda aqoonyahanka ah ee ku mideysan.
12/21/20253 min read


1. Islaannimo iyo Soomaalinnimo Dalka
waxaa ka jira kala fogaansho bulsho, colaado ku dhisan isbarki iyo anshax xumo siyaasadeed oo baahsan, waxaan aaminsanahay in Islaannimada iyo Soomaalinnimadu ay yihiin tiirarka keliya ee dib u mideyn kara bulshada. Ururka SOYPA wuxuu u istaagay in uu qiyamkaas dib u iftiimiyo si loo abuuro bulsho isku kalsoon, isku naxariista, oo ku dhisan hufnaan iyo akhlaaq.
2. Dhallinyaro Hormuud u ah Isbeddelka iyo Dimuqraadiyadda Dalka
waxaa ka muuqda tabar-darro hoggaamineed iyo in codka dhallinyarada uu joogo meel hoose. Tani waxay dhalisay quus iyo rajo-beel bulsho. Sidaas darteed ka dhallinyaro ahaan iyo urur ahaanba waxaan u taaganahay in dhallinyaradu ay noqdaan xoogga hormuudka u ah isbeddelka siyaasadeed ee dalka, si loo abuuro dimuqraadiyad dhab ah oo aan qof gaar ah ku tiirsanayn balse ku dhisan rabitaanka shacabka.
3. Qarannimo ku Saleysan Isla Xisaabtan iyo Horumar
Musuq maaasuqa, ku-takri-falka awooda iyo hannaanka dowladnimo ee aan ku dhisneyn isla xisaabtanka ayaa dalka ka dhigay mid ku socda jahawareer siyaasadeed iyo dhaqaale xumo baahsan. Qarannimo dhab ah waxaa lagu dhisaa isla xisaabtan. Sidaas awgeed ururka SOYPA iyo dhallinyaradu waxay u istaageen dhisidda qaran ku saleysan hufnaan, isla xisaabtan cad iyo horumar waara.
4. Sarraynta Sharciga Sharciga
dalka ayaa maanta noqday mid mararka qaar shaqeeya, marna aan waxba ka jirin. Caddaaladdu waxay noqotay mid qofka awooda leh u dhow, muwaadinka caadiga ahna ka fog. Sidaas darteed waxaan naga go’an dagaal aan kala har lahayn inaan u galno in sarraynta sharciga la ilaaliyo lana dhowro, dhisnana nidaam qof walba uu u siman yahay—si dalka looga saaro jahawareerka iyo qof-gaar u adeegsiga awoodaha.
5. Ka Qeybgalka Dhallinyarada ee Siyaasadda iyo Go’aamada Masiiriga ah ee dalka
Waxaan rumeysanahay in dalka aan horumar dhab ah la gaarsiin karin haddii tirada ugu badan ee bulshada oo ah dhalinyarada ay weli ka maqan yihiin miiska go’aannada masiiriga ah ee talada dalka, waxaa inta badan gaara koox yar oo aan matalin xoogga, codka iyo riyada dhalinyarada Soomaaliyeed, taasoo dhalisay niyad-jab, kalsooni-darro iyo quus siyaasadeed iyo mid bulsho. Annaga oo ka duuleyna xaqiiqdaas, waxaan u istaagnay difaaca ka qeybgal buuxa oo muuqda oo ay dhallinyaradu ku yeeshaan hannaanka hoggaamineed ee dowladmimada, si ay u helaan kursigooda, codkooda, doorkooda iyo goob kasta oo masiir dalka looga go’aamiyo. Waxaan si aan gambasho lahayn u doonaynaa in dhalinyaradu noqdaan hormuudka qaabeynta mustaqbalka Soomaaliya, maadaama ay yihiin kuwa ugu firfircoon, ugu tirada badan, uguna hodansan markay timaado hal-abuurka, fikraddaha cusub, iyo rabitaanka isbeddelka.
6. Midnimo Qaran iyo Isku Duubni Dalka
waxaa ragaadiyay kala qeybsanaan qabiil, xiisado siyaasadeed iyo dano gaar ah oo burburiyay kalsoonidii bulshada. Midnimada qaran ee maanta waa baahi degdeg ah. Sidaas darteed waxaan u istaagan nahay in aan bulshada isu soo dhowayno, xoojino kalsoonida iyo wadajirka, si loo helo qaran isku duuban oo ka gudba caqabadaha maanta muuqda.
7. La Dagaallanka Musuqmaasuqa
Musuqmaasuqa ayaa noqday caqabadda ugu weyn ee hor istaagtay adeegyada bulshada, dhaqaalaha iyo kalsoonida blshada iyo mida dowladnimada. Musuqa oo aan la ciribtirin, horumar ma imaan karo. Sidaas darteed, urur ahaan iyo dhallinyaro ahaanba, waxaan u istaageynaa dagaal aan gabasho lahayn inaaan la galno musuqmaasuqa, annagoo dhiirrigelinayna hufnaan, daahfurnaan iyo isla xisaabtan.
8. Caddaaladda Bulshada
Caddaalad darrooyinka ka jira adeegyada bulshada, shaqooyinka, garsoorka iyo qaybinta kheyraadka ayaa sababay sinnaan la’aan iyo caro bulsho. Waxaan aaminsan nahay in bulshada la siiyo fursado siman oo ku dhisan caddaalad dhab ah—taas oo dhallinyarada iyo dadka saboolka ahba xaq siman u siineysa in ay helaan adeegyo iyo fursado la mid ah kuwa kale.
9. Qaran Furan oo La Jaanqaadaya Dunida
Dalka oo muddo dheer u xirnaa, khilaafaadka gudaha ah ayaa wuxuu wajahaya manta dib-udhac weyn oo muuqda. Waxaan aaminsanahay qaran furfuran oo casri ah, xiriir wanaagsan la leh dunida, kuna saleysan aqoon, teknoolojiyad iyo iskaashi caalami ah. Waana jidka keliya ee lagu xaqiijin karo koboc dhaqaale oo waara iyo mustaqbal adag oo qaran
10. Ilaalinta Xuquuqda Muwaaddinka
Xilligan adag, muwaadinka Soomaaliyeed waxa uu wajahaa amni darro, xarig sharci-darro ah, adeegyo aan loo sinneen iyo cabsi joogta ah oo ay la kulmaan muwaadiniinta si codkooda loo aamusiyo. Sidaas awgeed, waxaan u taaganahay difaaca xuquuqda muwaadinka si loo hubiyo in muwaadin kasta helo ammaan, sharaf iyo xaqa uu u leeyahay dowlad u adeegta danaha shacabka, ilaalisa sharafka iyo xuquuqda muwaadinka.
